Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada taasoo lagu maamusay tartankii ciyaraaha ee isoo idlaaday

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoominayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna koobkii dowlad goboleedyada Soomaaliya guddoonsiiyay xulka Galmudug ee ku guuleystay tartanka.

Xafladan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana lagu xusayay kartida iyo guusha ay gaareen kooxdii guusha raacday.

Intii ay socotay Munaasabada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bilado guddoonsiiyay Xubnihii Kooxda, Macalimiinta iyo Maamulka Galmudug ee ku guuleystay Kaalinta Koowaad ee Tartankii Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada. Sidoo kale, waxaa aqoonsi la siiyay xulka Hir-shabeelle oo kaalinta 2-aad ka galay tartanka, isla markaana ku haray finalka.

Tartanka maamul goboleedyada oo ay ka qeyb galeen kooxo kala matalayay dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo gobolka Banaadir ayaa ku soo idlaaday ciyaar aad u xiiso badan. Xulka Galmudug State ayaa ku soo baxay guul, iyagoo muujiyay xirfad iyo wadashaqeyn inta uu socday tartanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xiritaanka tababarka ayaa ku bogaadiyay kooxihii kulanka ka soo qeyb galay dadaalka iyo hufnaanta ay muujiyeen. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay “ciyaaraha si kor loogu qaado midnimada iyo kobcinta isdhexgalka bulshooyinka kala duwan ee Soomaaliya.”

Bandhiga koobka maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa astaan ​​u ahaa soo afjarida tartan adag oo todobaadyadii lasoo dhaafay socday, waxaana tani ay cadeyn u noqotay kartida iyo xiisaha kubada cagta dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay in ay taageerto horumarinta isboortiga iyo horumarinta dhalinyarada xirfadleyda ah ee Soomaaliyeed.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed