Macluumaad ka soo baxaya mustaqbalka Bruno Fernandes ee Old Trafford xilli la xiriirinato Sacuudi Carabiya

Bruno Fernandes ayaa ku adkeystay inuu ku faraxsan yahay Manchester United waayihiisa ciyaareed, xilli lala xiriirinayo inuu lacag qaali ah u dhaqaaqo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

29-sano jirkaan, oo loo magacaabay kabtanka cusub ee Man United xagaagii, ayaa cadeeyay inuu yahay saxiix aad u wanaagsan Red Devils tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting Lisbon bishii Janaayo 2020.

Fernandes ayaa dhaliyay 68 gool 57 caawin 202 kulan oo uu u saftay kooxda 20-ka jeer heysta horyaalka Ingariiska, waxaana shaki la’aan loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.

Dhawaan waxaa jiray hadal heyn ku saabsan mustaqbalkiisa Old Trafford, iyadoo kooxo ka socda Sacuudiga la sheegay inay doonayaan inay la soo saxiixdaan sanadka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in ninka saamiga laga tirada badan yahay ee Sir Jim Ratcliffe uu go’aansaday inuu sii haysto xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal, isagoo u arka inuu udub dhexaad u ah qorshaha kooxda.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed