Maamulka kooxda Chelsea oo caddeyya go’aankooda xididigaan kaasoo la kulmay dhaawacyo waqti dheer ah iyo niyad jab

Daafaca kooxda Chelsea Reece James ayaa lagu soo waramayaa in uuna dhaqaaqi doonin inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Markii Mauricio Pochettino uu yimid Stamford Bridge, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa lagu wareejiyay calaamada kabtanimada, mid ka mid ah seddexda ciyaaryahan ee maxaliga ah ayaa la siiyay door hogaamineed.

Si kastaba ha ahaatee, 24-sano jirkaan ayaa soo maray olole niyad jab leh, isagoo lagu xaddiday lix kulan oo uu ku soo bilowday iyo seddex bedel oo uu saftay tartamada oo dhan.

Taasi waxay inta badan hoos u dhacday dhaawacyo muruqa ah, James ayaana ugu dambeyntii qaatay go’aanka ah inuu maro qaliin bishii Diseembar si meesha looga saaro dhaawac waqti dheer ah.

Sida ay hadda tahay, ma cadda in daafaca midig uu dib ugu soo laaban doono heerka koowaad ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaana la soo jeediyay in mustaqbalkiisa kooxda Galbeedka London uu shaki ku jiro.

Sida laga soo xigtay Football Insider, milkiilayaasha Todd Boehly iyo Clearlake Capital hadda kama fikirayaan iibinta James xagaaga.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed