Luke Shaw oo dalabaad ka helaya koox ka dhisan London isla markaana ay aad u xifaaltamaan Man United

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca Manchester United Luke Shaw. Inkasta oo ay 1 bilyan oo gini iyo dheeraad ku bixiyeen saddexdii daaqadood ee hore ee suuqa kala iibsiga, haddana Blues ayaa la sheegay in ay suuqa ugu sii jirto xiddigo kale.

Tababaraha kooxda Mauricio Pochettino ayaa la sheegay inuu xiiseynayo inuu helo daafac dhexe, khadka dhexe iyo weerarka ka hor dhamaadka Janaayo.

Sida laga soo xigtay wariye Simpson Phillips, Shaw ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ikhtiyaarka suurtagalka ah ee reer London.

Shaw ayaa ku sii dhawaanaya 10 xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Old Trafford, halkaasoo uu guud ahaan 270 kulan u saftay Red Devils tartamada oo dhan.

Rajada hadda la filayo ayaa ah in 28-sano jirkaan uu sii joogi doono Masraxa Riyada muddo dheer, taasoo ka dhalatay qandaraaskiisa oo dhacaya 2027.

Chelsea ayaa dooneysa in ay la soo wareegeen, si ay ugu xoojiyaan daafacooda, kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee bishaan Janaayo.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed