Luke Shaw ayaa sheegay in qaab ciyaareedka Manchester United uusan ku fiicneyn iyo Erik ten Hag oo ka hadlay guuladarradii soo gaartay

Daafaca kooxda Manchester United ee Luke Shaw ayaa qirtay in kooxdiisu ay markale “aysan ku fiicneyn” kulankii sabtida ee Premier League ee ay la ciyaareen West Ham United, taasoo 2-0 lagu garacaay.

Red Devils ayaa garoonka London Stadium iyad barbaraha goolal la’aanta ah la gashay Liverpool isbuucii hore, waxayna doonaysay inay sii wado ugu yaraan in ay ka fogaato guul darro sidii kulankii  Anfield.

Si kastaba ha ahaatee, qeybtii labaad ee ciyaarta goolal ay kala dhaliyeen Jarrod Bowen iyo Mohammed Kudus ayaa seddexda dhibcood u xaqiijiyay Hammers, kuwaasoo soo degtay kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Shaw ma qarin karin niyad-jabkiisa kooxdiisa, iyadoo daafaca bidix uu qirtay in kooxdiisa ay tahay inay horumar sameyso ka dib guuldaradii 13aad ee ololahan.

Tababaraha Man United Erik ten Hag ayaa dhanka kale sheegay in kooxdiisu ay ku bixisay wax badan sidii ay u heli lahayd fursadihii ay lumiyeen intii ay socotay ciyaartii Premier League ee ka dhacday caasimadda.

Tabaraha ayaa waxaa saaran cadaadis xooggan oo dhanka maamulka iyo taageerayaasha ah, kaasoo soo bandhigay ciyaaro niyad jab leh xilli ciyaareedkaan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed