Liverpool oo xaqiijisay in xiddig ka tirsan uu ku biiray kooxda Hull City ee heerka labaad

Liverpool ayaa xaqiijisay in weeraryahanka reer Portugal Fabio Carvalho uu dhameystiray heshiis amaah ah oo uu ugu biiray Hull City inta ka harsan xilli ciyaareedka 2023-24.
21-sano jirkaan ayaa dib ugu laabanaya Championship-ka ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ku biiro kooxda Jarmalka ee RB Leipzig, kaasoo ogolaaday inuu joojiyo amaahda horaantii bishaan.

Carvalho ayaa ku soo laabtay Anfield isagoo ku guuldareystay inuu hal gool u diwaan galiyo iam caawiyo 15 kulan oo uu u saftay Leipzig tartamada oo dhan, laakiin waxaa weli xiiseynayay kooxo badan oo Ingariiska ah.

Fulham  oo Carvalho kaga iibisay Liverpool £7.7m sannadkii 2022 – ayaa la rumaysan yahay inay xiisaynayso inay dib ugu soo celiso Craven Cottage, halka Wolverhampton Wanderers, Leicester City, Southampton iyo Leeds United sidoo kale lala xiriirinaayay.

Si kastaba ha ahaatee, Hull ayaa s u ballan qaaday Carvalho inuu si joogto ah u ciyaarayo, milkiilaha Tigers Acun Ilicali ayaa Isniintii xaqiijiyay in heshiis la gaaray.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed