Liverpool oo u dhaqaaqday beddelka Mohamed Salah kaas heshiis afka ah la gaaray kooxo ka dhisan Sacuudi Carabiya

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa kubadsameeyaha Bayer Leverkusen Florian Wirtz suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Reds ayaa haatan ku faanta dhowr weeraryahan oo ay ku jiraan Mohamed Salah, Darwin Nunez, Diogo Jota iyo Luis Diaz.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la rumeysan yahay inay suuqa ka raadin doonaan fursado cusub, iyadoo aan la hubin mustaqbalka Salah ee Anfield.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in 31-sano jirkaan uu horey u gaaray heshiis afka ah oo uu ku dhameystirayo u dhaqaaqista Boqortooyada Sacuudi Carabiya xagaaga soo socda.

Iyadoo Liverpool ay isku diyaarineyso bixitaanka Salah, Daily Star ayaa ku warameysa in Wirtz loo aqoonsaday bedelka macquulka ah.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa la rumeysan yahay inuu aad ula dhacsan yahay 20 jirkaan, kaasoo si wanaagsan ku bilowday ololahan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed