Liverpool oo kula biirtay kooxaha Manchester United iyo Arsenal tartanka loogu jiro da’yarka Barcelona

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafac da,yar oo mustaqbal ku leh yurub.
Mikayil Faye oo 19 jir ah ayaan weli u safan kulankiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda heysata horyaalka La Liga tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda reer Croatia ee NK Kustosija xagaagii hore, lakiin waxa uu heer sare ka gaaray heerka dhalinyarada.

Isagoo muujinaya inuu yahay halis dhanka gool dhalinta ah, Faye ayaa afar jeer shabaqa soo taabtay 27 kulan oo uu u saftay Barca Athletic xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhawaan helay khibrad kooxda koowaad.

Daafaca dhexe ee dhashay 2004 ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay Barcelona, ​​waxaana uu dhaliyay kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee saaxiibtinimo ciyaar ay 3-0 kaga badiyeen Senegal Gabon bishii hore.

Faye xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Barcelona waxaa xoogaa caqabad ku noqday dhaqan xumo, maadaama uu labo jeer oo hore casaan qaatay isagoo u ciyaarayay kooxda dhalinyarada, laakiin si kastaba ha ahaatee waxaa loo arkaa inuu yahay mustaqbal sare.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Liverpool ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ay u qabto saxiixa Faye.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed