Liverpool oo isha ku heysa 21 jirka khadka dhexe ee Boca Juniors faah faahin dheeraad ah akhriso

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay kooxaha safka ugu jira inay u dhaqaaqaan 21 jirka khadka dhexe ee Boca Juniors Ezequiel Fernandez.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee daafaca  ka cayaara ayaa soo bandhigay ciyaaro wanaagsan, Fernandez ayaa la rumeysan yahay inuu kasbaday taageerayaal badan ka dib markii uu ku soo biiray kooxda koowaad ee Boca.

Horyaalka Argentine ayaa xilli ciyaareedkii 2022 amaah kula qaatay Tigre, isagoo u saftay 42 kulan ka hor inta uusan ku biirin kooxda sare ee Boca, halkaas oo uu ku faanay labo caawin 43 kulan oo tartan ah.

Qaab ciyaareedka Fernandez ayaa muhiim u ahaa in kooxda Boca ay gaarto finalka Copa Libertadores, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu afar kulan oo xiriir ah ku soo bilowday wareega 8da iyo semi-finalka, isagoo ciyaaray 90 buuxa, halka  kooxdiisu ay rigoorayaal kaga badisay Palmeiras afartii dhamaadka.

Fernandez ayaa la filayaa inuu booskiisa sii haysto inta lagu guda jiro finalka bisha soo socota ee Fluminense, in kasta oo waxqabadkiisa gudaha uusan wali qancin tababaraha Argentina Lionel Scaloni.

Sida laga soo xigtay majaladda Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport, Liverpool waa mid ka mid ah kooxo dhowr ah oo isha ku haya Fernandez, kaasoo qandaraaskiisa Boca Juniors uu ku eg yahay dhammaadka 2025.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed