Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameedkeeda ugu weyn u calaamadsatay tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim si ay u badalaan Jurgen Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Reds ayaa horey loogu soo warramey inay dooqa koowaad u tahay tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso, kaasoo bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu baneynayo booskiisa xagaaga.
Alonso ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay mudadii uu la joogay kooxda reer Germany isaga oo ku hogaamiyay hogaanka Bundesliga iyo waliba wareega 8-aad ee Europe League iyo semi-finalka DFB-Pokal.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa iska casishay inay lumiso Alonso ka dib markii ay soo baxday inuu sii joogi doono BayArena ololaha 2024-25.
Ka dib markii lala xiriiriyay dhowr kooxood oo waaweyn oo Yurub ah, Alonso ayaa jimcihii u sheegay suxufiyiinta inuu go’aansaday inuu sii joogo booska uu hadda ka joogo Levekusen.
Sida laga soo xigtay Liverpool Echo, Reds ayaa haatan u aqoonsatay maamulaha Sporting Lisbon inuu yahay bartilmaameedkooda ugu sarreeya si ay u hogaamiyaan kooxda xilli ciyaareedka soo socda.
Amorim ayaa qandaraas kula jira kooxda reer Portugal ilaa xagaaga 2026 ka dib markii uu saxiixay heshiis afar sano ah November 2022.
HBN SPORTS DESK