Lionel Messi oo ka jawaabay haddii u ku laabanayo Barcelona 2024-ka.

Lionel Messi ayaa sheegay inuusan wax niyad ah u haynin inuu waqti amaah ah ku qaato Barcelona inta lagu jiro qeybta hore ee 2024-ka.

Markii Messi uu ogolaaday inuu ku biiro Inter Miami laga bilaabo Luulyo, waxaa jirtay rajo ah in weeraryahanka ruug cadaaga ah uu ku hogaamin doono kooxdiisa cusub ciyaaraha MLS.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu ku hogaamiyay Inter Miami inay ku guuleysato Leagues Cup, 36 jirkaan ayaa saftay kaliya shan kulan MLS, isagoo ka qeyb qaatay hal gool iyo labo caawin.

Intii ay socotay howshaas, Inter Miami waxay meesha ka saartay dalabkeedii ahaa inay xilli ciyaareedka ku kordhiso, taasoo Messi ka dhigtay mid aan wax koox ah lahayn laga soo  bilaabo Oktoobar 21 ilaa Febraayo.

Natiijo ahaan, waxaa la sheegay in xiddiga reer Argentina uu ku laaban karo kooxda Barcelona, ​​​​oo uu u dhaliyay 672 gool 778 kulan.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo hadlayay ka dib markii uu matalay Argentina kulankii Peru horaantii isbuucaan, Messi ayaa daaha ka qaaday inuusan mar labaad la ciyaari doonin kooxda reer Spain bilowga sanadka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed