Leroy Sane oo xiiso xooggan ka helaya Premeir League iyo kooxaha oo la ogaaday

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaalada qandaraaska Leroy Sane ee Bayern Munich, iyadoo Red Devils ay ka mid tahay seddex kooxood oo Premier League ah oo xiiseynaya saxiixiisa.

Mustaqbalka 27-sano jirkaan ayaa haatan ah mawduuc aad loo hadal hayo, maadaama qandaraaskiisa Allianz Arena uu dhacayo xagaaga 2025-ka.

Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay Sane u aragto bedelka ugu haboon ee Mohamed Salah, hadii xiddiga heerka caalami ee dalka Masar uu u dhaqaaqo Saudi Arabia inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Dhanka kale, Manchester City ayaa sidoo kale la sheegay inay dooneyso inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahankii u matalay intii u dhaxeysay 2016 iyo 2020, isagoo dhaliyay 39 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 46 caawin 135 kulan oo uu u saftay kooxda.

Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur, Man United ayaa isha ku haysa sida ay wax u socdaan, iyada oo Red Devils ay doonayso in ay hesho saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed