Leroy Sane oo dalabyo heer sare ah ka helayo Premier League iyo kooxda ugu cad-cad oo la soo bandhigay

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi doonto weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Leroy Sane inta lagu guda jiro suuqa January.
Hadda waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, maadaama qandaraaskiisa Allianz Arena uu dhacayo xagaaga 2025.

Manchester City ayaa la sheegay inay dooneyso inay 27-sano jirkaan dib ugu soo celiso Etihad Stadium, halka Manchester United sidoo kale la rumeysan yahay inay si dhow isha ugu hayso mustaqbalkiisa.

Liverpool ayaa loo aqoonsaday inay xiiseyneyso, dhanka kale, sida uu sheegayo saxafiga Ekrem Konur, Reds ayaa dooneysa inay hesho saxiixiisa marka uu furmo suuqa jiilaalka ee ganacsiga.

Bayern ayaa quus ka taagan inay Sane ka saxiixdo heshiis cusub, laakiin waa la arki doonaa haddii shuruudaha shaqsiga ah ay ku heshiin karaan labada dhinac, waxaana laga yaabaa inuu helo lacag badan isagoo dib ugu soo laabanaya kubada cagta Ingariiska.

Sane ayaa qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigay kooxda heysata horyaalka Jarmalka intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo dhaliyay sagaal gool, waxaana uu diiwaan geliyay 7 caawin 19 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Weeraryahanka ayaa 12 kulan oo uu ciyaaray Bundesliga maamulay sideed gool iyo lix caawin, halka uu hal gool iyo hal caawin ka sameeyay afar kulan oo Champions League ah, iyadoo Munich ay horay ugu soo baxday wareega xiga.

Sane ayaa Bayern kaga soo biiray Man City xagaagii 2020, wuxuuna u soo ciyaaray kooxda 152 jeer, isagoo u dhaliyay 47 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 44 caawin.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed