Kylian Mbappe oo ka dhawaajiyay hadal dhabar jab ku ah taageerayaasha kooxda Real Madrid

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa beeniyay wararka sheegaya in 25-sano jirkaan uu heshiis la gaaray Real Madrid xagaagan.
Mbappe ayaa la saadaalinayay inuu u beddelan doono caasimada France uuna aadi doonp caasimada Spain mudo haatan laga joogo dhowr sano, taasoo aanan weli hirgalin sabab kala duwan darteed.

PSG ayaa diiday dalabkii Real Madrid ee daqiiqadii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ee 2021, inkasta oo Mbappe uu ku jiray sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisii ​​hore, wuxuuna u muuqdaa inuu si xor ah ugu biirayo Los Blancos sanadka soo socda.

Taa baddalkeeda, Mbappe waxa uu argagax badan u diray Yurub oo dhan isagoo mustaqbalkiisa u hibeeyey PSG ilaa 2024, isla markaana hesytay dookh u ah inuu sii joogo sannadka saddexaad, laakiin waxa uu ku wargeliyay kooxda heysata horyaalka Faransiiska 2023 inuusan qorsheyneynin inuu sii joogo PSG.

Inkastoo PSG ay markii ugu horreysay isku dayday inay Mbappe ka saarto kooxda ka hor inta uusan dhicin qandaraaskiisa, hadana tallaabadaasi ma noqon mid miro dhal ah, iyadoo Real ay horey lacago badan ugu qarashgareysay Jude Bellingham, Joselu uu amaah kaga soo qaatay Espanyol.

Maadaama Mbappe uu haatan ku jiro lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa PSG, wuxuu awood u leeyahay inuu ka hadlo heshiis horudhac ah oo uu la galo kooxo ajnabi ah, waxaana la sheegay fiidnimadii Axadda inuu ugu dambeyntii iftiimiyay in aysan jiran wax wada hadal ah oo uu la yeeshay kooxda Real.

Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaan la rumeysan inay ka warqabto heshiiskan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay RMC Sport,  Mbappe ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in weeraryahanka uu ku biiray kooxda Carlo Ancelotti.

“Ma jiro wax heshiis ah oo ku saabsan mustaqbalka Kylian, gmaadaama aysan jirin wax wadahadal ah oo bilaabmay, sida uu sheegay Kylian Mbappé.”

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed