Kulan looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo ammaanka oo maanta dhexmaray madxweynaha KGS iyo Saraakiil ka socotay dowladda Ingiriiska

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis  Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dowladda Ingiriiska uqaabilsan Koonfur Galbeed lieutenant Colonel Richard iyo Saraakiil Ciidan oo la socotay wafdiga taliyaha.

Kulankan waxaa ka qeyb galayTaliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Madey Nuurkey Sheekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/sare Xasan Isaaq Cumar, waxana looga hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi, oo la xiriira ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al shabaab.

Madaxweynaha iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadleen Xoojinta Amniga deeganada Koonfur Galbeed, Kordhinta taageerida dowladda UK ee Tababarida iyo Qalabaynta Ciidamada Qalabka sida iyo Wadaagida Xogaha ku Saabsan ka hortagidda khatar Alshabaab ee ku aaddan deegaannada mamaulkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay kulanka.

Kulankaan ayaa ku soo beegmayada iyada oo dhawaan lagu wado in deegaannada maamulka Koofur Galbeed uu ka bilaawdo dagaalka ka dhanka ah dagaalyahannada Al shabaab,, isla markaana muddooyinkii la soo dhaafay ay ka dhaceen howlgallo xooggan oo lagu burburiyay kaabayaashii iyo saldhigyadii maleeshiyaadka kooxdaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed