Kooxo Serie A Talyaaniga oo isku hayo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Thiago Alcantara

Kooxaha Serie A ee Juventus iyo Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay labaduba xiiso u qabaan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Thiago Alcantara marka uu noqdo wakiilka xorta ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Laacibkii hore ee Bayern Munich – kaasoo aan Reds u ciyaarin tan iyo bishii April sababo la xiriira dhaawac daran oo sinta ah – ayaa la filayaa inuu macsalaameeyo Reds marka uu qandaraaskiisu dhaco 2024-ka.

Imaanshiyaha Thiago ee 2020 ayaa keenay su’aalo ku saabsan ku haboonaantiisa nidaamka cadaadinta ee Jurgen Klopp, 32 jirkaan ayaa waxaa hareeyay walaac badan  tan iyo markii uu ku soo biiray Reds.

Si kastaba ha ahaatee, Thiago ayaa cadeeyay inuu yahay ciyaaryahan faa’iido u leh kooxda koowaad ee Liverpool marka uu taam yahay, isagoo dhaliyay seddex gool islamarkaana lix kale sameeyay 97 kulan oo uu ciyaaray isagoo ku guuleystay EFL Cup, FA Cup iyo Community Shield.

Fichajes ayaa sheegtay in Inter iyo Juventus ay diyaar u yihiin inay dagaal ku qaadaan saxiixiisa.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed