Kooxda Man City oo ku jirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara West Ham United ayaa hadda helo karta jaanis haddi ay bixiso lacagtaan

West Ham United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u ogolaato Lucas Paqueta inuu baxo xagaagan, hadii Manchester City ay bixiso qiimaha ciyaaryahanka.
26 jirkaan ayaa fure u ahaa Hammers tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Ligue 1 ee Lyon xagaagii 2022, isagoo u saftay 75 kulan wuxuuna u dhaliyay 12 gool.

Paqueta ayaa ka mid ahaa kooxdii West Ham ee sida caanka ah u qaaday Europa Conference League xilli ciyaareedkii hore, waxayna finalkii Albania ku garaacday kooxda reer Talyaani ee Fiorentina.

Iyadoo boosaska Premier League ay isku soo hareen isla markaana ay Europa League kula ciyaari doonaan Xabi Alonso Bayer Leverkusen toddobaadka soo socda, weeraryahankii hore ee Flamengo ayaa lagu wadaa inuu ku mashquulo toddobaadyada ugu dambeeya xilli ciyaareedka ee Bariga London.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sidoo kale si joogta ah ugu ciyaara xulkiisa, isagoo daqiiqadii ugu danbeysay dhaliyay goolkii barbaraha ee Spain ee Brazil intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah bishii March.

Sida laga soo xigtay Football Insider, West Ham ayaa rajeyneysa inay dib ugu soo celiso adeega Paqueta Man City ka dib dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.

HBN SORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed