Koonfurta Suudaan oo mar kale u dhow dagaal sokeeye

Wargeyska Mareykanka ee Responsive Statecraft ayaa daabacay falanqeyn ku saabsan rabshadaha isa soo taraya ee Suudaanta Koonfureed, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada madaxweyne Salva Kiir ee loo yaqaan South Sudan People’s Defense Forces (SSPDF) iyo garabka milatari ee daacadda u ah ku-xigeenkiisa Riek Machar, oo sidoo kale loo yaqaan “Ciidanka Cad | The White Army).

Iska horimaadyada hubeysan ee labada dhinac ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Salva Kiir uu bishii Maarso xabsi guri ku dhigay ku-xigeenkiisa Riek Machar, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka, kuna sugan caasimadda Juba.

Jawaab ahaan, Xisbiga Machar ee SPLM ayaa si degdeg ah u shaaciyay in uu joojiyay ka qaybgalka hannaanada amniga ee muhiimka ah ee lagu dejiyay heshiiskii nabadeed ee 2018 ee dib loogu cusbooneysiiyay xal u helidda khilaafka Suudaanta Koonfureed.

Dowladda ayaa dhankeeda ku eedeysay Machar inuu qorsheynayo kacdoon lagu burburinayo nabadda iyo doorashooyinka soo socda. Qaramada Midoobay ayaa dhowr mar ka digtay in Suudaanta Koonfureed ay mar kale galeyso dagaal sokeeye, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan heshiiska nabadda.

Qoraaga maqaalka ee Asha Askan ayaa sheegtay in sababaha xasillooni darrada kordhiyay ay kamid tahay magacaabista ganacsade Benjamin Paul Mill oo Madaxweyne Kiir u magacaabay inuu noqdo beddelkiisa. Ninkan waxaa Mareykanku cunaqabatayn kusoo rogay sanadkii 2017, iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq dawladeed.

Dhibaatooyinka waxaa sii xumeeyay ciidamada Uganda oo gudaha u galay Suudaanta Koonfureed si ay u taageeraan Kiir iyo xukuumaddiisa, arrintaas oo jebinaysa xayiraadda hubka ee ay saartay Qaramada Midoobay.

Xaaladda maanta ka taagan Suudaanta Koonfureed waxay u eg tahay colaaddii xoogganayd ee 2013 ilaa 2018, taasoo lagu eedeeyay isku dayo afgambi, dagaallo culus, warar been abuur ah, hadallo naceyb hurinaya, iyo in labada dhinac ay taageerayaashooda kiciyayaan, iyadoo weliba dowlado shisheeye lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan.

Khilaafka Kiir iyo Machar wuxuu ka horreeyay xornimada Suudaanta Koonfureed ee 2011-kii. Madaxweynaha wuxuu kasoo jeedaa qabiilka Dinka, halka Machar uu kasoo jeedo qabiilka Nuer (NUWAR) labaduba waa qabiilooyinka ugu waaweyn dalka. Labadooduba waxay ka tirsanaayeen jabhaddii SPLM/A oo uu aasaasay halgamaa John Garang, taasoo horseeday gooni isu taagga Suudaanta Koonfureed.

Falanqeeyaha ayaa sheegtay in siyaasadda dalkaas ay hakad u gashay, musuqmaasuqa, cabashooyinka aan la xallin iyo tartanka ka jira kheyraadka iyo ciidamada ay yihiin sababaha gudaha ee kor u qaaday rabshadaha. Dhinaca kale, colaadda ka aloosan Suudaan ee u dhaxaysa ciidanka dowladda iyo xoogagga RSF ayaa sidoo kale si weyn u saameeyay xaaladda Koonfurta.

Waxaa sidoo kale lagu tuhunsan yahay in Salva Kiir uu xiriir la sameeyay RSF, taasoo keentay in ciidamada Suudaan ay xiriir la yeeshaan Machar. Waxaa la sheegay in Ciidanka Cad loo yaqaano ee Machar ay heleen hub iyo taageero kale oo uga timid militariga Suudaan.

Dagaalladii u dambeeyay ee ka dhacay gobollada Niilka Sare & Niilka Buluug ah ayaa muujinaya in militariga Suudaan ay doonayaan inay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada RSF iyo xulafadooda SPLM-N.

Colaadda ka taagan Suudaanta Koonfureed waxay khatar weyn ku tahay nabadda gobolka Geeska Afrika.Waxaa intaas dheer, in dagaalkan uu kordhin karo qaxootiga u gudbaya dalalka dariska sida Uganda, Itoobiya iyo Kenya, sidoo kalena uu waxyeeleyn karo amniga xuduudaha iyo dhaqaalaha gobolka.

ILAHA: Warbaahinta Mareykanka

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed