Kabtanka Arsenal Martin Odegaard oo shaki ku jiraa inuu taam u yahay kulanka Bayern Munich iyo Arerta oo ka hadal sababtii uu beddelay kulankii Aston Villa

Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa shaki la galinayaa inuu taam u noqon karo kulanka Arbacada ee Champions League ee Bayern Munich ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii ay guuldarada 2-0 ah ka soo gaartay Aston Villa.

Odegaard ayaa saftay kulankiisii ​​29-aad ee Premier League xilli ciyaareedkan isaga oo wajahaya tababarihii hore ee Arsenal Unai Emery  ee hadda maamula Aston Villa.

Xiddiga reer Norway ayaa lagu doodi karaa in uu ahaa xiddiga ugu fiican Arsenal ka hor inta uuna badalin Emile Smith Rowe daqiiqadii 79-aad.

Arsenal ayaa laga dhaliyay labo gool oo soo daahay iyadoo laga badiyay kulan Premier League ah markii ugu horeysay 2024.

Natiijadii guuldarada, Arsenal ayaa fadhisa kaalinta labaad, waxayna labo dhibcood ka hooseysaa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City, iyadoo lix kulan ay u harsan tahay.

Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka khadka dhexe uu dhaawac soo gaaray intii ay socotay ciyaarta.

Markii wax laga weydiiyay bedelka, tababaraha Arsenal ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Wuxuu dareemayay wax, ma sii socon karin.”

Gunners ayaa haatan qiimeyn doonta heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Odegaard ka hor kulanka Arbacada ay u safrayaan Allianz Arena.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed