Juventus oo ku kalsoon in ay la soo wareegto xiddig ka tirsan kooxda Man United

Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay dhawaan wadahadalo la furayso Manchester United si ay u hesho Jadon Sancho bisha Janaayo.

23-sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingariiska inta lagu guda jiro suuqa jiilaalka ka dib markii uu burburay xiriirka isaga iyo tababaraha Erik ten Hag.

Sancho ma uusan matalin Man United tan iyo dhamaadkii bishii August, iyadoo Ten Hag uu sheegay inuu ka tagay weeraryahanka kulankii Arsenal bilowgii Sebtember, sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa liitay ee tababarka.

Kooxo dhowr ah ayaa lala xiriirinayay weeraryahanka oo ay ku jirto kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund, laakiin Juventus ayaa u muuqata mid ugu cadcad saxiixiisa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay Fichajes, kooxda reer Talyaani ayaa wadahadal la bilaabi doonta Man United muddo yar, waxaana jirta kalsooni ay ka heshay Marwada Duqda ah oo ah in la isku afgaran doono heshiiska. Warbixinta ayaa sheegeysa in xiriirka adag ee ka dhexeeya labada kooxood ee taariikhiga ah uu dhigay Juventus meel adag oo ay ku guuleysan karto tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu xiiso ka helayo Sacuudi Carabiya, laakiin Sancho, oo isaga haray shaxda England, sababtoo ah halgankiisii Old Trafford, ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu xirfadiisa ciyaareed ka sii wato Yurub.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed