Jurgen Klopp oo xaqiijiyay dhaawaca muruqa ah ee soo gaaray Ryan Gravenberch

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in xiddiga khadka dhexe ee Ryan Gravenberch  in uu soo gaaray dhaawac muruqa ah  kulankii ay Reds bar-baraha 0/0 ah la gashay Man United Axadii.

Ciyaaryahankii hore ee Bayern Munich ayaa garoonka ka baxay isagoo hitinaya  daqiiqadii 61aad ee ciyaartii ka dhacday garoonka Anfield, isagoo u sacab tumay taageerayaasha markii lagu bedelay Cody Gakpo.

Klopp oo saxaafada kula hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib,  ayaa shaaca ka qaaday in Gravenberch uu dhaawac ka soo gaaray muruqa muruqa ee is mari waaga Red Devils, isla markaana ay qiimeyn ku sameyn doonaan dhaqaatiirta, waxana laga yaabaa in uu seeko dhowr kulan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed