Jose Mourinho oo u dhaqaaqay labo ciyaaryahan oo ka tirsan kooxdiisii hore Chelsea

Jose Mourinho ayaa  bartilmaameedsaday labada ciyaaryahannada Chelsea ee Trevoh Chalobah iyo Malang Sarr ka hor suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Labada ciyaaryahan midkoodna kuma jirin qorshaha Mauricio Pochettino xilli ciyaareedkan, iyadoo labadoodaba aysan weli u soo muuqan kooxda uu hogaamiyo tababaraha cusub.

Dhaawac bowdada ah ayaa ka dhigay Chalobah inuu maqnaado dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, laakiin ka dib xanta suuqa kala iibsiga ee xaggaaga, waxay u badan tahay inuu ka tago kooxda mustaqbalka dhow.

Calciomercato ayaa sheegtay in Mourinho uu bartilmaameedsanayo daafacyada, kuwaasoo labadaba khibrad u leh inay ka ciyaaraan seddexda danbe, taasoo uu maamuluhu ka hirgeliyay Roma.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed