Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay wadahadalo kula jirto Joao Cancelo iyo Joao Felix si ay Camp Nou ugu sii hayaan ololaha 2024-25.
Cancelo iyo Felix ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay kooxda reer Catalonia kuwaas oo ka kala yimid Manchester City iyo Atletico Madrid, waxaanay labadan ciyaartoy si joogto ah ugu ciyaaraan kooxda xilli ciyaareedkii 2023-24.
Sida ay hadda tahay, labada ciyaaryahan ayaa dib ugu laaban doona kooxahooda waalidkood ka dib markii ay Portugal u mataleen Koobka Qaramada Yurub xagaagan.
Si kastaba ha ahaatee, Laporta ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay ka shaqeyneyso sidii ay u sii heysan laheyd xilli ciyaareedka 2024-25, iyadoo heshiisyo amaah ah oo dheeri ah laga yaabo in lagu heshiiyo sababo la xiriira dhaqaalaha kooxda.
“Waxaan dooneynaa inay sii wadaan. Deco wuxuu ka shaqeynayaa inuu hubiyo inay sii wataan xilli ciyaareed kale xaaladaha hadda jira,” Laporta ayaa ku yiri Podcast-ka Madaxweynaha ee Barca One.
HBN SPORTS DESK