Jamal Musiala oo diiday heshiiska cusub ee Bayern iyadoo Liverpool iyo Manchester City ay xiiseynayaan

Kubad sameeyaha kooxda Bayern Munich ee Jamal Musiala ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday qandaraas cusub oo ay u soo bandhigtay kooxda heysata horyaalka Jarmalka isagoo diirada saaraya u dhaqaaqista horyaalka Premier League.
Laacibkii hore ee Chelsea iyo Southampton ayaa ka mid noqday da’yarta loogu doonista badan yahay Yurub intii uu joogay Bayern, isagoo 21-jir horay ugu soo ciyaaray 153 jeer.

Musiala ayaa wakhtigaas u dhaliyay Bavarians 40 gool iyo 27 caawin, oo ay ku jiraan 9 gool iyo afar caawin 28 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2023-24, waxana uu hore ugu soo guulaystay 10 abaalmarin sgarafeed oo waaweyn garoonka Allianz Arena.

Guulaha ay kooxda Musiala gaartay waxaa ka mid ah afar horyaal oo Bundesliga ah, hal Champions League iyo koobka kooxaha adduunka, laakiin Bayern oo 11 sano ku heysay kubbada cagta Jarmalka ayaa hadda qarka u saaran inay ku dhamaato gacanta Bayer Leverkusen.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa badisay hal kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana habeenkii Jimcaha ay barbaro 2-2 ah la gashay Freiburg, taasoo ka dhigeysa inay 7 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Leverkusen oo uu kulan baaqi u yahay. ah.

Iyadoo kooxaha miisaanka culus ee Premier League ay isha ku hayaan xaalada, Bayern ayaa la dagaalantay ilka iyo cidiyaha si ay heshiis cusub uga saxiixdo xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, laakiin sida laga soo xigtay Daily Star, wuxuu diiday dalabka Bayern ee ku saabsan cusbooneysiinta. .

Labada kooxood ee Man City iyo Liverpool ayaa la sheegay inay indha-indheeyayaal u direen Musiala ciyaartii Bayern ay guuldarada 3-0 ah ka soo gaartay Leverkusen 10-kii Febraayo, markaasoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu miiska u saarnaa £150,000 todobaadkii si u saxiixo hishiis waqti dheer ah.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed