Jadon Sancho oo Manchester United oo dib ugu laabanayo xilli ciyaareedka soo socda haddii la helo hal shardi

Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu ka hadlo ku laabashada Manchester United xilli ciyaareedka soo socda haddii Erik ten Hag uu waayo shaqadiisa tababarenimo xagaagan.
Booska Ten Hag ee hogaanka ayaa shaki weyn ku jiraa iyadoo Man United ay ku dhibtooneysay xilli ciyaareedkan, waxaana la rumeysan yahay in kooxdu ay si dhab ah uga fiirsan doonto inay keento tababare cusub xilli ciyaareedka 2024-25.

Sida laga soo xigtay inews, bixitaankii Ten Hag ayaa laga yaabaa in Sancho uu isku dayo inuu dib u soo nooleeyo mustaqbalkiisa Old Trafford, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka England uusan weli diyaar u aheyn inuu ka tanaasulo waqtigiisa kooxda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 24-sano jirkaan uu u furan yahay ‘dib u bilaabista’ isagoo hoos imaanaya tababare cusub, laakiin uma badna inuu mar kale u ciyaaro Red Devils haddii Ten Hag uu sii wato shaqadiisa.

Sancho ayaa kasoo muuqday seddexdii kulan ee furitaanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, lakiin waxa uu ahaa ciyaaryahan muhiim ah oo ka maqnaa kooxda kulankii Arsenal bilowgii Sebtember.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed