Weeraryahanka Manchester United Jadon Sancho ayaa ku dhow inuu ku laabto kooxda Borussia Dortmund ee horyaalka Jarmalka, kaddib markii xiddigaan ay isku dhaceen tababaraha kooxda United.
Horaantii isbuucaan, waxaa la sheegay in Dortmund ay wadahadalo la furtay Man United si ay amaah ugu soo qaadato 23 jirkaan, kaasoo qarka u saaran inuu ka tago Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, heshiisku wuxuu durba ku sii socdaa marxaladaha muhiimka ah, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka England uu u dhaqaaqay inuu ku soo laabto kooxda Jarmalka.
Sancho ayaa u soo ciyaaray Dortmund intii u dhaxeysay 2017 iyo 2021, isagoo u soo ciyaaray kooxda Bundesliga ka dhisan 137 jeer, isagoo u dhaliyay 50 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 64 caawin.
Weeraryahanka ayaa dhameystiray heshiis lacag badan uu ugu dhaqaaqay Old Trafford ka hor xilli ciyaareedka 2021-22, laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu soo bandhigo sumcadiisa kooxda, kaliya 12 gool iyo lix caawin 82 kulan oo uu saftay.
Sancho ayaan kasoo muuqan Man United tan iyo dhamaadkii bishii August, sababa la xiriira isku dhac uu la galay tababaraha Red Devils Erik ten Hag, taasoo keentay inuu seego kulankii Arsenal.
HBN NEWS DESK