Ivan Toney oo biya qaboow ku shubay wararka sheegaya ka dhaqaaqista Brentford xilli lala xiriirinayay kooxaha Arsenal iyo Chelsea

Weeraryahanka Brentford Ivan Toney ayaa soo jeediyay inuusan raadineynin inuu ka tago kooxda suuqa Janaayo xilli lala xiriirinayo Chelsea iyo Arsenal.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa lagu wadaa inuu ka soo laabto ganaax sideed bilood ah, laakiin inkastoo uu waqti dheer ka maqnaa, wuxuu weli yahay mid ka mid ah weeraryahanada loogu doonista badan yahay Premier League.

Arsenal iyo Chelsea ayaa loo magacaabay labo saxiix oo macquul ah bisha Janaayo, ciyaaryahankii hore ee Newcastle United ayaa kaliya 18 bilood ka hartay qandaraaskiisa Gtech Community Stadium.

Brentford dhowr jeer hoos u dhigtay fursada uu Toney uga tagi karo kooxda bartamihii xilli ciyaareedka sidoo kale, 27 jirkaan ayaa dhawaan ka hadlay mustaqbalkiisa  xilli uu wareysi dheer siiyay Sky Sports News, waxaa qaboojiyay wararka sheegaya in ka tagayo kooxda bishaan Janayo.

Tallaabadaan ayaa dhabar jab ku ah kooxaha ka dhisan London ee Arsenal iyo Chelsea kuwaas oo si weyn u doonayay weerar yahankaan.

HBN SPORTS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed