Itoobiya Kororka xooggan ee gaajada iyo nafaqa-darrada oo gaaray meeshii ugu xumeyd.

Tirada dadka la ildaran nafaqo-xumada daran ee gobolka Tigray ee ay colaaduhu ka jiraan ee waqooyiga Itoobiya ayaa aad kor ugu kacday, waxaana cabsi laga in xaaladdu ay ka sii darto, sida ay sheegtay QM.

Warbixin ay soo saartay OCHA, oo ah hay’adda bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaastay in ilaa 8.8 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto waqooyiga Itoobiya, iyada oo aan la xisaabin malaayiin kale oo ay saameeyeen abaaruhu ee koonfurta iyo koonfur-bari ee dalkaasi.

Heshiis ay kala saxiixdeen Noofambar 2022 dowladda iyo fallaagada Tigreega ayaa soo afjaray laba sano oo colaad ah, taasoo u oggolaanaysa in gargaarku si tartiib tartiib ah u yimaado, laakiin gobolka ayaa wili waxaa taaggan dhibtooyin nololeed.

Bishii Abriil 2023, marka la barbar dhigo Abriil 2022, nafaqo-xumada ba’an ee Tigray wuxuu kordhay 196%”, sida lagu sheegay warbixinta, taas oo tilmaamaysa in tirooyinkan laga yaabo inay qayb ahaan loo aaneeyo helitaanka hagaajinta xarumaha caafimaadka”.

Guud ahaan dalka, OCHA waxa ay sheegtay in 15% ay korortaynafaqa-darrada ba’an intii u dhaxaysay bilihii January iyo April, marka la barbar dhigo isla muddadaas 2022.
Gobolka Tigray, hay’adda Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ka cabsi qabtaa in ay sii xumaato cunno yarida ka jirta dadka nugul, ka dib markii la joojiyay qaybinta cunnada sababtoo ah warbixinnada ku saabsan leexinta cuntada gargaarka bini’aadanimo.

Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka WFP iyo USAID, oo ah hay’adda horumarinta ee Maraykanka, ayaa bishii June hakiyay cunnada gargaarka ah ee la siin jiray waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, iyagoo aaminsan in qayb weyn oo ka mid ah cuntadaas la leexsado.

Ilaa lix milyan oo Tigray ah ayaa cunto yari la ildaran in ka badan laba sano. Bishii la soo dhaafay, dadka deegaanka ayaa u sheegay AFP sida ay ugu adkeyd in ay quudiyaan qoysaskooda, iyagoo mararka qaar cuna hal mar 24 ama xitaa 48 saacadood.

Intii uu dagaalka socday ayaa baarayaasha Qaramada Midoobay waxa ay dowladda Itoobiya ku eedeeyeen in ay si bareer ah u gaajeeyeen dadka rayidka ah, kaddib markii ay go’doomisay gobolka. Waqtigaas, NGO-yada samafalka ayaa ka hadlay xaaladaha macaluusha.

Dowladda Itoobiya ayaa arrintaas beenisay, iyadoo ku eedeysay maamulka fallaagada Tigray in ay u baahan yihiin cunto gargaar ah oo ay ku doonayaan dagaalkooda.

Joojinta ku meel gaadhka ah ee dagaalka, intii u dhaxaysay Maarso iyo Agoosto 2022, ayaa ogolaatay in qaar ka mid ah badeecooyinka yimaadaan gobolka burburay ka hor intaanay rabshado soo cusboonaan. Ilaa 20 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya ayaa ku tiirsan cunno gargaar ah, sida ay sheegtay OCHA.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed