Inter Milan oo qarka u saaran in ay gacanta ku soo dhigto xiddig ad looga raadinayay Premeir League-ga iyo La Liga

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay qarka u saaran tahay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Napoli ee Piotr Zielinski xagaagan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland ayaa xor u ahaa inuu heshiis hordhac ah la galo kooxaha kale tan iyo bilowgii Janaayo, markaasoo uu galay lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa kooxda heysata horyaalka Talyaaniga.

Inuu u wareego Premier League ama La Liga ayaa loo soo jeediyay Zielinski, kaasoo qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkii Napoli ee Scudetto uu sida muuqata soo jiitay indhaha Liverpool, Barcelona iyo West Ham United.

Si kastaba ha ahaatee, Inter ayaa haatan isu dhiibtay madaxa safka loogu jiro saxiixa Zielinski, waxaana maamulaha Nerazzurri Beppe Marotta uu dhawaan u xaqiijiyay DAZN in kooxdiisa ay isaga hartay walaacii xagaagii, iyadoo agaasimaha ciyaaraha ee Piero Ausilio uu haatan la wareegayo shaqada.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Inter ayaa haatan ku dhow inay heshiis afka ah la gaarto Zielinski, kaasoo si bilaash ah ku imaan doona San Siro bilowga bisha Luulyo haddii ay wax walba hagaagaan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed