Ikay Gundogan oo ka hadlay mustaqbalkiisa Barcelona iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan ka tagista Catalonia

Ikay Gundogan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Barcelona halka warbixinadu ay soo jeedinayaan in xiddiga khadka dhexe uu haatanba eegayo ka tagista kooxda reer Catalonia.

33 jirkaan ayaa fure u ahaa Barcelona tan iyo markii uu xagaagii kaga soo biiray Manchester City, isagoo u saftay 19 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay hal gool iyo shan caawin.

Gundogan ayaa qalinka ugu duugay heshiis labo sano ah oo uu ku sii joogi doono Camp Nou, iyadoo ay ka harsan tahay 12 bilood oo dheeri ah, balse waxaa soo baxayay dhawaanahan warar sheegaya inuusan ku faraxsanayn nolosha kooxda.

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa lagu qasbay inuu diido soo jeedinta ah inuu wadahadalo la yeeshay Galatasaray si uu ugu biiro kooxda Turkiga ee uu wakiilka u yahay.

Gundogan oo ka hadlayay kulanka ay Barcelona la ciyaari doonto horyaalka La Liga ee Atletico Madrid Axada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kooxda marka loo eego dhanka shaqsi ahaan iyo ciyaar ahaanba.

Gundogan ayaa hal gool dhaliyay 3 kalena caawiye ka noqday 14 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkan, halka uu laba caawiye ka noqday shan kulan oo Champions League ah.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed