Goolhayaha Man United Andre Onana maxay tahay sababta uu seegi doona furitaanka AFCON ee Cameroon?

Goolhayaha Manchester United Andre Onana ayaa lagu soo waramayaa inuu ka maqnaan doono Cameroon kulanka furitaanka ee koobka Qaramada Afrika oo ay la ciyaarayaan Guinea 15-ka Janaayo.
U diyaar garowga tartanka Cameroon ayaa socda, iyadoo xulka qaranka uu talaadada la ciyaarayo Zambia kulan saaxiibtinimo, balse Onana ayaan wali dalkiisa la xiriirin tartanka.

27-sano jirkaan u ciyaaray Man United tartanka FA Cup-ka ee ay la ciyaartay Wigan Athletic Isniintii, waxaana sidoo kale lagu wadaa inuu ka soo muuqdo kulanka Tottenham Hotspur ee Premier League Axadda, wax ka yar 24 saacadood ka hor inta aysan Cameroon bilaabin tartanka AFCON.

Waxaa jiray soo jeedin ah in Onana uu isla markiiba u safri doono Ivory Coast ciyaarta ka dib, laakiin sida laga soo xigtay inews, hadda waxay u badan tahay inuu seego tartanka Guinea.

Ciyaarta Spurs ka dib, Red Devils ayaan markale ka ciyaari doonin Premier League ilaa bilowga bisha Febraayo.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed