Gobolka Nugaal xulka mataleyey ayaa guul muhiim ah ka gaaray ciyaarta kama dambeysta aheyd ee gobollada Puntland oo maanta ku soo gabagobowday magaalada Garowe.
Ciyaar aad u xiisa badneyd oo galabta ku dhexmartay garoonka Mire Awaare ee caasimadda Puntland xulka gobolka Nugaal iyo kan Bari ayaa waxaa 4 iyo 2 ku qaaday koobka Gobolka Nugaal.
Goolasha guusha uu ku gaaray Gobolka lagu naaneyso Fardaha ayaa waxaa kala dhaliyey Qoor oo 9 u xirta, Abuu oo 7 ah, Dheereeye oo 80 ah iyo Thomaska oo 42 sita Nugaal.
Gobolka Bari oo aan fursad u helin 90-kii daqiiqo in uu soo taabto shabaqa gobolka Nugaal ayaa 2 gool ee uu dhaliyey la yimid 6-dii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray.
Sida oo kale Ciyaarta waxaa foolaad u ahaa tobanaan dhalinyaro iyo bulsho kale oo kala taageerayey labada gobolka, iyaga oo soo camiray garoonka, xiisa gaar ahne u yeelay Ciyaarta inta ay socotay.
Tartanka Ciyaaraha Puntland oo 10-kii bishaan ka furmay magaalada Garowe ayaa waxaa ka qeyb galay 9 Xul oo gobollada maamulkasi kala mataleyey, isaga oo noqonaya kii tobnaad ee ciyaaraha kubadda cagta ee Puntland.
Fiiro gaar ah: Nugaal waxaa ay aheyd gobolka lagu furay tartanka Ciyaaraha Puntland, waxaana ay galabtaasi ay is wajeheen gobolka Raas-Caseyr oo 1 iyo waxba ay ku dirtay
Xiritaanka tartanka Ciyaaraha kubada cagta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiiinta ugu sareysa ee Puntland oo hambalyo u diray gobolka guuleystay ee Nugaal.
HBN ONLINE TV