Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulkadir Cartan ayaa taariikh cusub u dhigay kubadda cagta Afrika, kadib markii uu xalay dhex-dhexaadiyey ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka horyaallada Afrika (CAF Champions League) oo ay ku kulmeen kooxda Masar ee Pyramids FC iyo kooxda Koonfur Afrika ee Mamelodi Sundowns, taasoo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Qaahira.
Magacaabista Cartan ee ciyaartan muhiimka ah ayaa muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF) uu ku qabo tayada garsoorayaasha Soomaaliyeed. Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa ku dhammaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Pyramids FC, iyadoo ay jireen waqtiyo ay u baahnayd maarayn adag oo cadaalad ah — waana doorkii uu Artan si hufan uga soo baxay. Pyramids
Intii lagu jiray ciyaarta, Cartan wuxuu muujiyay kalsooni iyo maamul wanaagsan, isagoo bixiyay saddex kaadh jaalle ah islamarkaana si deggan u xaliyay dhowr dhacda garoonka ka dhexjiray. Khubarada ciyaaraha iyo taageerayaashu waxay amaan u jeediyeen qaabka uu ciyaarta u maamulay, iyagoo xusay daacadnimadiisa iyo go’aamada joogtada ah ee uu gaarayey ahaa mid aad u sareeyey.
Xulista Cartan ee ciyaartan ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo Soomaaliyeed, maadaama ay tahay mid kamid ah ciyaaraha ugu sarreeya ee uu garsoore Soomaali ah abid dhex-dhexaadiyo. Waxa ay sidoo kale calaamad u tahay horumarka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo aqoonsiga sii kordhaya ee garsoorayaasheeda.
Cartan hore ayuu uga soo muuqday tartamada CAF Confederation Cup iyo ciyaaraha da’yarta ee FIFA, taasoo ka dhigtay kulankan mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee xirfaddiisa.
HBN ONLINE TV