Garoonkii diyaaradaha Hobyo oo lagu sameeyay dayactir cusub kaas oo xariga laga jaray

Wasiiro ,Xildhibaano, Ganacsato iyo maamulka degmada ayaa ka qeyb galay Xarig jarka Dibu dayactir lagu sameeyay Garoonka diyaaradaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo maanta lagu soo bandhigay qorshe ku saabsan arrintaas.

Garoonka oo bilihii la soo dhaafay u xayirnaa burbur iyo waxyeelo soo gaartay ayaa  dib dayactir loogu sameeyay waxaana ka qeyb qaatay Ganacsatada deegaanka.

Wasiirka Kalluumaysiga Axmed Xasan Aadan,wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala, Senator Duniyo ,Xildhibaan Dhabancad, Wasiir ku xigeenka Howlaha guud  iyo masuuliyiin kale ayaa dhammaantood dhiiri galiyey dib u dhiska garoonka.

Waxana la qorsheynayaa in dhawaan ay ka howl geli doonaan diyaaradaha kala duwan ee lagu wado in ay ka shaqo bilaabaan deegaanka, oo dhibaato xooggan ku qabay Safarada kala duwan gaar ahaan Caasimadda Soomaaliye ee Muqdisho.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed