Frenkie de Jong oo diiday inuu meesha ka saaro ka bixitaanka Barcelona ee mustaqbalka

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong ayaa albaabada u furtay inuu u dhaqaaqo xiddigaan, si ay uga hesho dhaqaalo fiican, iyada oo la daalaa dhaceyso dhaqaalo xumo baahsan, balse laacibka ayaa diiday in ka tago kooxda.

De Jong ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United xagaagii 2022 ka dib markii loo aqoonsaday inuu bartilmaameed u ahaa tababarihiisii ​​hore ee Ajax Erik ten Hag.

In kasta oo ay daba socdeen kooxda  20-kii jeer  horyaalka Ingariiska, De Jong waxa uu muujiyay in uu ka caga jiidayo in uu ka tago kooxda Catalan, ugu dambaynna waa uu sii joogay.

Xiddiga reer Holland ayaa sii waday ciyaarihiisa Barcelona iyo  olole guul leh 2022-23, iyaga oo qaaday koobka La Liga iyo sidoo kale Spanish Super Cup.

Isagoo afartii sano ee la soo dhaafay la qaatay Barcelona, ​​xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa ku adkeystay inuu weli ku faraxsan yahay inuu kooxda joogo.

In kasta oo De Jong uusan qorsheyneynin bixitaan degdeg ah, sida laga soo xigtay 90min, wuxuu weli ku jiraa raadaarka Man United.

Ciyaaryahanka khadka dhexe, oo qandaraas kula jira ilaa June 2026, ayaa hadda isku diyaarinaya ku soo laabashada Barcelona ee ciyaaraha La Liga toddobaadkan.

HBN NEWS SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed