Eric Dier oo yimid Germany ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayern Munich

Daafaca kooxda Tottenham Hotspur Eric Dier ayaa gaaray dalka Jarmalka isagoo isku diyaarinaya inuu dhameystiro ku biiristiisa kooxda Bayern Munich.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England – oo qandaraaskiisa Spurs uu dhacayo xagaagan – ayaa la rumeysan yahay inuu heshiis afka ah la gaaray kooxda heysata horyaalka Jarmalka dhowr maalmood ka hor, inkastoo Tottenham ay diiday inuu si bilaash ah ku tago.

Kooxda Lilywhites ayaa sidoo kale go’aansatay inay keento bedelka Dier ka hor inta aysan u ogolaanin inuu soo afjaro waayihiisa Waqooyiga London, waxaana ay ku guuleysteen dadaalkooda iyagoo keenay Radu Dragusin oo ka yimid Genoa.

Dragusin ayaa la rumeysan yahay inuu soo gabagabeeyay ku biiristiisa Tottenham Arbacadii, waxaana kaliya ka haray ku dhawaaqis rasmi ah inuu aado, Lilywhites ayaa Dier siisay iftiinka cagaaran si uu ugu socdo Allianz Arena.

Labada kooxood ayaa la fahamsan yahay inay ku heshiiyeen qiimo dhimis daafaca dhexe, kaasoo qandaraas labo ama seddex sanno ah u saxiixi doona Bayern, Tottenham waxay ku heli doontaa wax ka yar € 5m (£ 4.3m) .

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed