Erdogan & Axmed Al Sharaac oo dajinaya qorshe culus oo lagu wajahayo Israa’iil

Madaxweyne ku-meel gaar ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa lagu wadaa inuu maanta safar hawleed ku tago dalka Turkiga si uu uga qeyb galo shirka Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya, waana safarkiisii labaad tan iyo markii uu xilka la wareegay. Waxay qeyb ka tahay socdaal goboleed loogu talagalay in lagu xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee dowladdiisa, xilli cadaadis caalami ah uu sii kordhayo.

Booqashadan ayaa si gaar ah muhiim u ah sababo la xiriira waqti xasaasi ah oo ay ku beegan tahay iyo xiriirka ay la leedahay faylal amni iyo siyaasadeed oo adag, gaar ahaan mustaqbalka waqooyiga Suuriya iyo isku-duwidda Ankara si loola tacaalo hanjabaadaha Israa’iil.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegaysa in booqashadu diiradda saari doonto xoojinta iskaashiga milatari iyo amni ee labada dhinac, iyo sidoo kale horumarinta iskaashiga dhaqaale. Wadahadallada waxaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa qaabeynta amni cusub, oo ay ka mid tahay suurto galnimada in la dhiso saldhigyo Turkigu ku yeesho gudaha Suuriya, iyadoo lagu saleynayo is-afgaradyo wadajir ah oo socda.

Waxaa la filayaa in laga doodo mustaqbalka kooxdaa Kurdiyiinta ee loo yaqaan SDF, kuwaasi oo dhawaan heshiis la galay dawlada cusub ee Suuriya, isla markaana lagu wado in ciidamada kooxdaasi ay ku biiraan ciidanka qaranka Suuriya, taasoo muujineysa isbeddel istiraatiiji ah oo ku yimaada khariidadda saamaynta waqooyiga iyo waqooyi-bari Suuriya.

Booqashada madaxweynaha Suuriya ee Ankara waxay ku soo beegantay xilli xaalada Suuriya uu cirka isku shareeray, kadib duqeymo cirka ah oo Israa’iil ka geysatay magaalooyinka Dimishiq, Xums iyo Xamaa horraantii bishan Abriil.

Horumarkan ayaa la filayaa inuu noqdo arrin sare oo ajendaha wada-hadallada Sharaa ee Ankara, xilli labada dal ee Suuriya iyo Turkiga ay isku dayayaan in ay isku dubbaridaan mowqifyadooda marka la eego kororka weerarada Israa’iil.

Mahmoud Alloush, oo ah cilmi-baadhe ku takhasusay arrimaha Turkiga, wuxuu aaminsan yahay in booqashada madaxweynaha Suuriya ee Turkiga aysan ahayn kulan siyaasadeed oo caadi ah, balse ay wadataa miisaan istiraatiiji ah oo muujinaya isbeddel qoto dheer oo ku yimid xiriirka Suuriya-Turki, iyadoo la tixgelinayo isbeddelada gobolka ee degdega ah.

Alloush wuxuu ku sharraxay muhiimada booqashada 3 heer oo isku xiran oo kala h,

Waa tan koowaade booqashadani waxay muujineysaa xaqiiqo cusub oo ku saabsan xiriirka Ankara iyo Dimishiq, kadib labada dal oo xiriirkoodu uu mugdi ku jiray in ka badan toban sano oo la xiriiray qalalaasaha Suuriya.

Qodobka labaad wuxuu sheegay in ay la xiriirto  muhiimadda dhisidda xiriir adag oo u dhexeeya Sharaa iyo Ankara, maadaama madaxweynaha kumeel gaarka ah uu garwaaqsan yahay baahida dalkiisa u qabo xulafaysi goboleed oo xooggan.

Tan saddexaad oo ah in Turkigu uu sii fahmayo muhiimadda ka-qaybgalka tooska ah ee qaabeynta mustaqbalka Suuriya, isagoo hadda u arka guusha kala guurka Suuriya mid amni qaran ah.

Alloush wuxuu intaa ku daray in Turkigu uu door muuqda ka ciyaaray sidii loo heli lahaa aqbalaad caalami ah oo loo helo maamulka cusub ee Suuriya, hase yeeshee wuxuu xusay in doorkani uu weli xadidan yahay marka la eego cunaqabateynta reer Galbeedka, isagoo sheegay: “Ankara waxay isku dayaysaa inay ku qanciso quwadaha Reer Galbeedka in la qaado ama la fududeeyo cunaqabateynta, balse arrintu aad bay uga adag tahay sida ay u muuqato.”

Dhinaca gobolka, Alloush wuxuu carrabka ku adkeeyay in muhiimadda isu dhawaanshaha Suuriya-Turki ay dhaafayso xiriir laba geesood ah, iyadoo laga dareemayo saamayn ku leh is-beddelka miisaanka awoodda gobolka, gaar ahaan iyadoo hoos u dhac uu ku yimid doorka Iran iyo Ruushka, iyo diyaar-garowga Mareykanka ee ka bixitaanka gudaha Suuriya.

Wuxuu ku soo gunaanaday in arrinta gobolka ay noqotay mid ka mid ah waxyaabaha ugu saameynta badan isbeddelka Suuriya, iyadoo mustaqbalkiisu uu si weyn ugu xiran yahay awoodda dalalka gobolka ay u leeyihiin in ay tartankooda u rogaan iskaashi, halkii ay isku dhici lahaayeen oo ay sii qoto dheereyn lahaayeen dhibaatooyinka gobolka.

Dhinaciisa, Taha Odiooglu oo falanqeeya arrimaha siyaasada wuxuu aaminsan yahay in booqashada Sharaa ay imanayso xilli aad u xasaasi ah, iyadoo la eego xaaladda gobolka oo sii kacsan, gaar ahaan duulaannada Israa’iil ee gudaha Suuriya iyo sare u kaca hadallada Ankara ee ka dhanka ah Tel Aviv.

Odiooglu wuxuu tilmaamay in kulanka soo socda ee u dhexeeya Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Axmed al-Sharaa uu horseedi karo is-faham cusub oo ku saabsan tallaabooyin wadajir ah, ha ahaato dhinaca amniga gobolka ama dib-u-habeynta doorka Turkiga ee Suuriya, isagoo xusay in natiijooyinka kulanku ay saameyn weyn ku yeelan doonaan dhaq-dhaqaaqyada gobolka ee wajiga cusub.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay waxa uu ugu yeeray “caddeynta mowqifka Turkiga” ee ku wajahan siyaasadda Israa’iil, isagoo tusaale u soo qaatay hadal uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, oo sheegay in xiriirka Israa’iil uu sii ahaan doono mid hakad ku jira, isla markaana aysan suuragal ahayn in la caadiyeeyo xiriirka iyadoo Tel Aviv ay sii wado xasilooni darrada gobolka.

Odiooglu wuxuu xusay in Ankara ay u aragto xasilloonida Suuriya inay qeyb ka tahay amniga qaranka Turkiga, isagoo intaa ku daray: “Guusha maamulka cusub ee Suuriya ma ahan guul keliya oo Dimishiq ah, balse waa guul u ah Ankara sidoo kale. Riditaankii Asad wuxuu fursad dhab ah u siiyay in Suuriya dib ugu laabato xulafohoodii Carabta iyo kuwa caalamka, xilli Israa’iil ay dooneyso in ay sii waddo fowdada.”

Wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa isagoo leh: suurtagalnimada isku dhac Turkiga iyo Israa’iil oo ka dhaca Suuriya waa mid sii jirta, gaar ahaan iyadoo Israa’iil ay wali rabto ballaarin goboleed, halka Turkigu uu si cad u doonayo inuu xakameeyo xaaladda, dejiyo gobolka, isla markaana gaaro xasillooni siyaasadeed oo waarta.

HBN Online TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed