David de Gea oo dib u bilaabaya waayihiisa kubada cagta isla markaana wadahadalo la furay koox ka dhisan Spain

Goolhayihii hore ee Manchester United David de Gea ayaa lagu soo waramayaa inuu kala hadlay Real Betis inuu si xor ah ugu biiro kooxda ka dhisan La Liga.
Xiddiga reer Spain ayaa ka tagay Man United markii uu heshiiskiisu dhacay dhamaadkii bishii June, wali waa wakiil xor ah isaga oo ilaa haatan awoodi waayay in uu helo koox ku haboon.

De Gea ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay inuu si lama filaan ah ugu laabanayo Old Trafford, iyadoo Red Devils la sheegay inay dooneyso goolhaye kale, sababtoo ah lambarka koowaad ee haatan Andre Onana ayaa lagu wadaa inuu u matalo Cameroon Koobka Qaramada Afrika bisha Janaayo.

Kooxaha Saudi Arabia iyo MLS ayaa lala xiriiriyay goolhayaha khibrada leh, kaasoo 545 kulan u saftay Man United intii uu joogay kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay El Desmarque, De Gea ayaa wadahadalo la yeeshay Real Betis oo ku saabsan ku soo laabashada La Liga.

Warbixinta ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka reer Spain uu ku faraxsan yahay inuu matalo kooxda, kaasoo ku riyaaqaya xilli ciyaareed cajiib ah 2023-24.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed