Daafaca Real Madrid Nacho oo ka warbixiyay mustaqbalkiisa

Daafaca khibrada leh ee Nacho ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Real Madrid laakiin waxa uu daaha ka qaaday in aan wali go’aan laga gaarin mustaqbalkiisa heer kooxeed.

33-sano jirkaan qandaraaskiisa Bernabeu wuxuu dhacayaa dhamaadka bisha June, waxaana jiray warar sheegaya inuu u dhaqaaqi karo xagaagan isagoo raadinaya tartan cusub, iyadoo kooxaha MLS ay xiiseynayaan.

Nacho ayaa xilli ciyaareedkan si joogto ah ugu ciyaara Los Blancos, isagoo u saftay 20 kulan tartamada oo dhan, waxaana uu noqon doonaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Carlo Ancelotti qeybta labaad ee ololahan, maadaama Eder Militao iyo David Alaba ay labaduba qabaan dhaawacyo.

Laacibka reer Spain ayaa kabtan u ahaa Real Madrid oo ay wajaheen Atletico Madrid semi-finalka Super Cup-ka Spain Arbacadii, isagoo ciyaaray 120-kii daqiiqo ee ciyaarta.

Nacho ayaa mar kale ku soo bilaaban doona kulanka finalka ee Barcelona Axada, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kooxdiisa ka hor kulanka El Clasico.

Daafaca ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in heshiis uu miiska saaran yahay, balse uusan wali go’aan gaarin, maadaama fursad uu kaga ciyaaro Waqooyiga Ameerika uu heli karo.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed