Daafaca Arsenal Ben White oo ku dhawaaqay mustaqbalkiisa Fly Emirates iyo haddii uu kordhinayo hishiis cusub

Daafaca Arsenal Ben White ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu qandaraaska u kordhiyo Waqooyiga London, islamarkaana uu doonayo inuu ku sii sugnaado Emirates ilaa iyo inta ugu macquulsan xirfadiisa ciyaareed.

Laacibkii hore ee Brighton & Hove Albion ayaa ku soo barbaaray  kooxdaan,  daafaca midig tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray 2021, waxaa uu soo bandhigay ciyaar wanaagsan oo dhanka daafaca ah.

Isagoo helay abaalmarino badan oo ku saabsan bandhigiisa joogtada ah, White ma uusan seegin hal kulan oo Premier League ah intii lagu jiray horyaalkii Arsenal ee 2022-23, isagoo ku soo bilowday 36 ka mid ah wuxuuna la yimid labo gool iyo shan caawin.

Wadahadalada u dhexeeya kooxda iyo wakiilada White ayaa la rumeysan yahay inay si wanaagsan u socdaan, daafaca ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii wato labiska casaanka waqooyiga London  ee aan dhamaadka lahayn.

White ayaa u sheegay Sky Sports News markii la waydiiyay inuu doonayo inuu qalinka ku duugo shuruudo cusub iyo in kale. “Waxaan doonayaa inaan sii joogo Arsenal ilaa iyo inta aan awoodo, ilaa heerka ugu sareeya”.

White ayaa qarka u saaran inuu ciyaaro kulankiisii ​​96-aad ee Arsenal, kulanka ay wajaheyso Chelsea, halkaas oo guul ay Gunners ka gaarto ay ka fogaan doonto Tottenham Hotspur hogaanka horyaalka Premier League ilaa ay Spurs la ciyaareyso Fulham Isniinta.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed