Ciyaaryahanka Napoli Victor Osimhen oo koox dhisan Ingiriiska ay dooneyso in ay ku bixiso qiimo walbe

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto inay gacanta ku dhigto ciyaaryahanka Napoli Victor Osimhen, laakiin waxaa laga yaabaa inay sugaan ilaa xagaaga soo aadan si ay ula soo wareegaan.

24 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay inuu ka caawiyo Napoli inay soo afjarto 33-sano oo ay sugeysay horyaalka Serie A.

Osimhen ayaa dhaliyay 26 gool 32 kulan oo uu saftay horyaalka xilli ciyaareedkii hore waxana uu qaab ciyaareedkaas ku soo biiray xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay lix gool 10 kulan oo uu ciyaaray.

The Standard ayaa ku warameysa in Osimhen uu u furan yahay u dhaqaaqista Chelsea, inkastoo la soo jeediyay in Blues laga yaabo inay sugto ilaa xagaaga soo aadan si ay u xaqiijiso saxiixiisa.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Napoli ay weeraryahanka ku qiimeyso in ka badan 100 milyan ginni, madaxweynaha kooxda, Aurelio De Laurentiis, ayaa loo arkaa inuusan ku fikiri doonin iibintiisa suuqa Janaayo.

Intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa lala xiriirinayay dhowr kooxood oo Yurub ugu waa weyn, iyadoo Manchester United ay ka mid tahay kooxaha doonaya saxiixiisa.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed