Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Napoli oo ay wada baacsanayaan kooxo ka dhisan Ingiriiska oo shaaca laga qaaday

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Napoli Piotr Zielinski ayaa waxaa bartilmaameed u yahay Liverpool iyo West Ham United, kaas oo si weyn loogu dagaallamaa.

Tan iyo markii uu Napoli ugu soo biiray 2016 lacag dhan 16 milyan oo Yuuro, Zielinski waxa uu noqday halyeey kooxda wax badan ku soo kordhiyay.

Isagoo wadar ahaan dhaliyay 50 gool iyo 46 caawin 343 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, xiddiga reer Poland ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysiga Seria A xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Zielinski ayaa haatan galaya sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Stadio Diego Armando Maradona, taasoo kooxaha galisay heegan sare oo ay kula soo wareegi karaan bilaash.

Toddobaadkii hore, waxaa la sheegay in Barcelona iyo Inter Milan ay mid walba isha ku hayeen xaaladda iyagoo qiimeeyay suurtogalnimada ay ku heli karaan adeegga 29 jirkaan beeca xorta ah.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo inta uu ku sii jiro qandaraas cusub, Zielinski ayaa si dabiici ah u noqon doona bartilmaameedka suuqa kala iibsiga ee kooxo badan oo Yurub ah.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, Liverpool iyo West Ham ayaa ka mid ah kooxihii ugu dambeeyay ee muujinaya in Zielinski uu yahay mid macquul ah.

Dhanka Liverpool, waxa ay suuqa xagaaga ku qarash gareeyeen in ay la soo saxiixdaan dhowr ciyaaryahan oo khadka dhexe ah oo tayo kala duwan leh.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed