Ciyaaryahanka ee Manchester United Christian Eriksen dalabyo kala duwan helaya isla markaana la soo bandhigay qiimaha suuqa

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Christian Eriksen ayaa lagu soo waramayaa inay doonayaan kooxo ka dhisan Sacuudi Carabiya, kuwaas oo xiisa u muujinaya.

31-sano jirkaan ayaa u dhaqaaqay Old Trafford xagaagii 2022 ka dib markii uu wacdaro ka dhigay Brentford, waxaana uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Red Devils 18-kii bilood ee la soo dhaafay.

Eriksen ayaa matalay  kooxda 20-ka jeer ee horyaalka Ingariiska 59 jeer tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay seddex gool, waxaana uu diiwaan geliyay 12 caawin.

Xilli ciyaareedkan, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa saftay 15 kulan oo heer kooxeed ah, isagoo ka qayb qaatay hal gool iyo labo caawin, laakiin hadda wuxuu garoomada kaga maqan yahay dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray kulankii ay kooxdu 1-0 kaga badisay Luton Town ka hor fasax caalami ah.
Eriksen ayaa lagu qasbay in uu garoonka ka baxo wax yar ka hor inta aysan bilaabanin kulankii Luton, waxaana markii dambe la xaqiijiyay in uu soo gaaray dhibaato jilibka ah oo uu garoomada ka maqnaan doono bisha soo socota.
Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur, kooxaha kala duwan ee Saudi Arabia ayaa si dhow isha ugu haya mustaqbalka weeraryahanka, waxaana laga yaabaa inay u soo bandhigaan dalab gaaraya 20 milyan oo Yuuro (£ 17m).
HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed