Chelsea oo soo bandhigtay xiisaha ay u qabto weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres bartilmaameed macquul ah suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Markii Blues ay ku dartay Nicolas Jackson safka hore ee xagaagii, rajadu waxay ahayd in xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal uu muujiyo inuu yahay ganacsi guuleysta ee waxz badan ka beddeka weerarka kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankii hore ee Villarreal ayaa noqday mid aanan soo bandhigin ciyaartii laga rabay, isagoo ka qeyb qaatay todobo gool – seddex ka mid ah goolashaas waxa uu ka dhaliyay Tottenham Hotspur – iyo hal caawin 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Warbixin la soo saaray horaantii isbuucan ayaa muujisay in macalinka Mauricio Pochettino uu doonayo inuu kooxdiisa ku soo kordhiyo weeraryahan kale – iyo sidoo kale daafac dhexe iyo dhexe – inuu ku soo daro kooxdiisa bisha Janaayo.

Kooxda reer Portugal ayaa ku garaacday kooxo badan si ay xiddiga reer Sweden ugala soo wareegaan kooxda Coventry City lacag dhan 24 milyan oo euro xagaagii.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed