Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay calaamadsatay goolhaye haatan ku tartamaya horyaalka La Liga, kaasoo uu aaminsan yahay inuu bedeli karo Robert Sanchez.
Xagaagii hore, Blues ayaa heshiis 25 milyan ginni ah kula soo saxiixaneysa xiddiga heerka caalami ee dalka Spain kooxda Brighton & Hove Albion.
Sanchez ayaa markii dambe lagu tuuray kooxda wuxuuna u saftay 21 kulan tartamada oo dhan ka hor inta uuna dhaawac jilibka ah ka saarin, waxaana booskiisa galay Djordje Petrovic.
Tan iyo markii Petrovic uu noqday dooqa koowaad ee Mauricio Pochettino, Sanchez waxa uu saftay kaliya labo kulan oo FA Cup ah intii lagu jiray 2024.
Iyadoo Sanchez uu haatan diyaar u yahay mar kale, 26-sano jirkaan ayaa qandaraas kula jira Stamford Bridge ilaa 2030, taasoo abuuraysa xaalad aysan u sahlanayn inay kala tagaan.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday AS, Atletico Madrid ayaa u furan inay lacag caddaan ah ku iibiso Jan Oblak ka hor 2024-25, iyadoo Fichajes uu intaa ku daray in Chelsea ay xiiseyneyso inay ka wada xaajoodaan heshiiska.
HBN SPORTS DESK