Chelsea oo go’aan ka gaari doonta mustaqbalka daafaca dhexe ee Thiago Silva xagaaga soo aadan

Chelsea ayaa go’aan ka gaari doonta mustaqbalka daafaca dhexe ee ruug cadaa Thiago Silva xagaaga soo aadan, sida lagu sheegay warbixin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa helay qayb taariikhi ah intii lagu jiray kulankii Blues ay la ciyaareen Newcastle United isbuucaan, isagoo noqday ciyaaryahankoodii ugu da’da weynaa abid isagoo jira 39 sano iyo 64 maalmood. Saddex iyo toban maalmood ka hor safarkii St James’ Park, Silva ayaa sidoo kale noqday gooldhaliyaha ugu da’da weyn Chelsea markii uu madax ku dhaliyay Manchester City, laakiin munaasabadda sabtida ma ahayn mid lagu xasuusto daafaca.

Dabayaaqadii bishii Febraayo, Silva ayaa loo gacan galiyay qandaraas kordhin ilaa xagaaga 2024 si uu u muujiyo muhiimada uu kooxda u leeyahay, waxaana uu ku soo bilowday dhamaan 13kii kulan ee Chelsea Premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo daaficii hore ee AC Milan iyo Paris Saint-Germain uu 40 jirsan doono bisha Sebtember ee soo socota, islamarkaana uu awood u leeyahay inuu la hadlo kooxo ajnabi ah laga bilaabo Janaayo, mustaqbalkiisa ayaa si dabiici ah su’aal la geliyay.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, labada dhinacba way fadhiisan doonaan oo ay ka wadahadli doonaan mustaqbalka dambeedka dhexe ee sannadka soo socda, inkastoo Silva aan loo malaynaynin inuu ka fekerayo hawlgab dhow.
39-sano jirkaan ayaa xitaa laga yaabaa inuu u furan yahay inuu sii joogo Chelsea, maadaama uu heysto labo ka mid ah wiilashiisa oo matalaya Blues heerka dhalinyarada, inkastoo kooxdii hore ee Fluminense ay sidoo kale xiiseyneyso inay dib u midoobaan sanadka soo socda.
HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed