Chelsea oo dooneysa in Antonio Silva uu noqdo beddelka Thiago Silva macluumaad dheeraad ah

Chelsea ayaa  ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga kooxda Benfica ee Antonio Silva xilli ay Blues isku diyaarinayso in ay keento badalka Thiago Silva inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Qandaraaska Thiago Silva ee kooxda reer London ayaa dhacaya dhamaadka ololahan, waxaana la fahamsan yahay in go’aan lagu gaaray beeca xorta ah.

39 jirkaan ayaa mar kale fure u noqday kooxda Mauricio Pochettino xilli ciyaareedkan, isagoo ka soo muuqday 21 jeer tartamada oo dhan, waxaana uu magaciisa ku soo qaatay gooldhalinta kulankii ay Chelsea 4-0 kaga badisay Preston North End wareegii seddexaad ee tartanka FA Cup.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Football Insider, ma saxiixi doono qandaraas cusub, Blues ayaana haatan aqoonsanaysa bedelka xiddiga reer Brazil.

Laacibka reer South America ayaa Chelsea uga soo dhaqaaqay Paris Saint-Germain sanadkii 2020, wuxuuna kooxda u matalay 138 jeer, wuxuuna u dhaliyay 7 gool wuxuuna diiwaan galiyay afar caawin.

Sida laga soo xigtay The Sun, Antonio Silva ayaa loo aqoonsaday inuu yahay bartilmaameedka ugu sareeya ee daafaca Chelsea xagaagan, iyadoo kooxda Pochettino ay diyaar u tahay inay saxiixiisa kula dagaalanto kooxo badan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed