Chelsea oo dajisay qorshayaal sare oo kooxda looga xoojinayo daafaca iyo weerarka bisha Janaayo ee 2024 ka dib guul-darrooyinkii soo wajahay

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wado qorshayaal ay ku bartilmaameedsanayso daafac dhexe iyo weeraryahan cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January.
Tan iyo markii uu yimid Mauricio Pochettino, horumarka ayaa lagu tilmaami karaa oo kaliya inuu yahay mid isku dhafan, Blues ayaa isku dareysa qaab ciyaareed dhiirigelin leh iyadoo mararka qaar ay u muuqato mid aan awoodin inay goolal dhaliso.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa timid Sabtidii iyadoo Blues markii garoonkooda lagu garaacay, inkastoo ay maamulayeen qeybta hore ee ciyaarta Chelsea,  haddana  2-0 ayye ku badiyeen Brentford, Blues ayaa lagu maaddeystay.

Kooxda Pochettino ayaa sii wada inay wajahdo kulamo tijaabo ah, kulankooda xiga waxa uu imaanayaa Tottenham Hotspur oo hogaanka laba dhibcood ku haysa.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, kooxda Chelsea ayaa durba ka wadahadlaya u dhaqaaqista weeraryahan cusub, iyo sidoo kale waji cusub oo daafaca dambeedka ah.

Kuwa lala xiriirinayo inay u dhaqaaqayaan Stamford Bridge, Ivan Toney ayaa u muuqda mid macquul ah, laakiin suuqa ayaa loo badinayaa inuu qiimo sare ku fadhiyo.

Dhanka kale, Romano ayaa intaa ku daray in Chelsea ay sii wadato la socodka dhowr daafac dhexe ka hor inta aysan xoojin booskaas.

Si kastaba ha ahaatee, halyeeyga Silva ayaa laga yaabaa inuu maqnaado dhamaadka xilli ciyaareedkan, Fofana ayaa maqnaan doona inta badan xilli ciyaareedka isagoo ugu yaraan dhaawac jilibka ah qaba, Chalobah ayaa la filayaa inuu u tago koox cusub bisha Janaayo.

HBN SPORTS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed