Chelsea Liverpool iyo Manchester City oo ku dagaalamaya saxiixa xiddig da’yar ah oo u soo baxay kooxda AC Milan

Dhammaan kooxaha Liverpool,Chelsea iyo Manchester City ayaa ku raad jooga sidii ay ula soo wareegi lahaayeen dhaliyaha taariikhda sameeyay ee AC Milan Francesco Camarda, sida lagu sheegay warbixin.

15-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ebid Serie A fiidnimadii Sabtida, isagoo ka soo kacay kursiga keydka kulankii ay Rossoneri 1-0 kaga badisay Fiorentina isagoo jira 15 sano iyo 260 maalmood, kaas oo soo jiitay indhaha kooxaha Yurub oo durbaba bilaabay sida ay ku heli karaan.

Sida laga soo xigtay 90min, kooxaha Premier League ee Chelsea, Liverpool iyo Man City ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya  ishana  ku haya horumarka weeraryahanka, Milan ayaana haatan u nugul inay lumiso difaaceeda aadka loo qiimeeyo.
Qoyska xiddigaan ayaa la sheegay inay la soo xiriireen dhamaan kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Man City oo ku aadan heshiiska, iyadoo seddexda kooxood ee Premier League ay doonayaan inay iska difaacaan xiisaha uga imaanaya meelo kale oo Yurub ah.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed