Chelsea iyo Manchester United oo si weyn iskugu heysto laacib muhiim ah oo ka tirsan kooxda Barcelona

Chelsea ayaa la sheegay inay diyaar u tahay in dalab 85 milyan ginni ah ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong, kaasoo diirada u saaran kooxda ay xifaaltamaan Manchester United si ay u helaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Man United xagaagii 2022, laakiin wuxuu ka caga jiidayay inuu ka tago Barcelona waqtigaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda soo baxday in De Jong uu dib uga fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda reer Catalan, isagoo albaabka u furay inuu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ka dib markii ay hore u soo bandhigtay xiisaha 26 jirka, Man United ayaa la aaminsan yahay inay la socoto xaalada ciyaaryahanka ka dib horumaradii ugu dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sport, Chelsea ayaa qarka u saaran inay la tartanto Man United ka dib markii ay u aqoonsatay De Jong inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Chelsea ayaa soo martay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bishii Janaayo ka dib seddexdii saxiix ee ugu horeysay suuqa kala iibsiga ee Todd Boehly iyo Clearlake Capital.

Inkastoo ay ku guuldareysteen inay hal saxiix sameeyaan suuqa jiilaalka, Blues ayaa durba isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso De Jong xagaaga.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Chelsea ay diyaar u tahay inay soo gudbiso dalab dhan 85 milyan ginni si ay uga adkaato Man United tartanka loogu jiro xiddiga reer Holland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed